Home Blog Page 1480

Agaasimaha SONNA oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga

0

Sucuudiga(SONNA) Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe oo kusugan Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa uu booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jidaha ee Dalkaasi Sucuudiga.

Wafdiga ayaa wuxuu booqday qeybaha ay ka koobantahay qunsuliyadda wuxuuna u kuurgalayey sida ay u shageyso qunsuliyadda iyo adeegyada kala duwan ee ay u heyso jaaliyadda soomaaliyeed ee Boqortooyada Sucuudiga kunool waxaana ku wehliya Ibraahim Maxamuud Axmed Azhari oo katirsan howlwadeenada Wakaaladda SONNA.

Waxaa halkaasi ku  soo dhaweynayey qunsul ku xigeenka safaaradda Soomaalioya ee Sucuudiga Mudane Axmed Nuur Diiriye Xoghayaha koowaad ee Safaaraddaasi ee dhinaca arrimaha bulshada Nuur Maxamed Gaata iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga iyo Wefdiga Agaasimaha Soona u hoggaaminayo ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Wakaaladda iyo safaaradda ay isga kaashan lahaayeen baahinta wararka muhiimka u ah bulshada iyo adeegyada loo hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegaano katirsan Shabeelada Hoose

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maant gaaray deegaanada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada SHabaab.

Maleeshiyadii Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid ciidanka Xoogga Dalka oo u taagan sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga Difaaci lahaayeen Cadowga Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi,taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Shabaab.

Koxdii Shabaab oo deegaanadaasi ku sugnayd ayaa lagu soo waramaya in ay u kala firxadeeen howdka islamarkaana lagu raad joogo meelihii ay galeena ay ciidamadu uga daba tagayaan meelaha ay maleeshiyadaasi ku dhuumaalaysanayaan.

Salaadii Jimcaha kadib oo boqolaal dad ah isugu tagay Isgoyska Soobe

0

Muqdisho(SONNA) Maanta Salaadii Jimcaha kadib  ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen  Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan.

Dadkii halkaasi isugu soo baxay oo ay wehliyaan Culimaa’udiin Soomaaliyeed ayaa Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo.

Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminaysay isu soo baxaasi ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku baaqday in Salaadda jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay gargaar caafimaad oo kaga timid Ethiopia+(Sawiro)

0

Muqdisho(SONNA) Diyaarad  ay leedahay Dowladda Ethiopia,islamarkaana sida gargaar caafimaad ayaa maanta oo jimco ah ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gargaarka caafimaadka ee ka yimid xukuumadda Adis-ababa ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay caawinta dhibanayaasha Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde kaga gudoontay deeqda gargaarka caafimaad oo gaareysa 4-tan oo Dowladda Ethiopia wakiil uga ahaa Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Dowladda Ethiopia kaga mahad celisay gargaarka caafimaad ee maanta soo gaartay,waxayna sheegtay iney ku soo beegantay xilli baahi weyn loo qabay.

Sidoo kale,waxaa jirta diyaarad kale oo laga leeyahay Ethiopia oo sida gargaar caafimaad oo gaareysa 4-tan oo saacadaha soo soocda  ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Waxaa sii kordhaya kaalmada Dowladda federaalka Soomaaliya kaga imaaneysa Beesha caalamka iyo Dowladaha deriska ee ku aadan caawinta dadkii wax ku noqday Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada Dowladda

0

Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

kulanka oo dhacay maalintii talaadada,ayaa Labada mas’uul waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladood xaga amniga,dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada Soomaaya kaga timaado Imaaraadka Carabta.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uga Mahad celiyay taageerada bini-adanimo iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya,sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arbacadii la soo dhaafay balan qaaday daaweynta 100-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska  mashquulka badan ee Soobe halkaasi oo dad badan ay ku nafwaayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale,Imaaraadka Carabta ayaa  shaaciyay iney Agab caafimaad oo ay ka mid yihiin daawooyin u soo dirayaan Soomaaliya si loogu kordhiyo xarumaha caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii Qaraxa ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka ay daryeeli doonto 300-carruur Agoon ah oo Qoyskooda mudo lix bilood ah ku waayay Qaraxyadii dhacay,waxaana lagu dari doona Barnaamijka daryeelka Agoonta ay maalgeliso Imaaraadka Carabta.

Halkuu marayaa Gurmadka deg deg ah ee loo sameynayo dhibanayaasha Qaraxii Soobe?

0

Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah Guddiga Gurmad Qaran  ee lagu caawinayo dadkii wax ku noqday Qaraxii Maleeshiyaadka Al-Shabaab 14-kii bishan ka geysteen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo marti ku ahaa Kulanka Todobaadka jimcaha ee Radio Muqdsho iyo SNTV ayaa ka warbixiyay halka ay wax marayaan iyo ilaa hadda adeegyada muhiimka ah ay qabteen.

Maxamed Yuusuf Jaamac oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Gurmad Qaran ayaa sheegay in dadaalka gurmadka meelo badan oo gudaha iyo dibadda uu ka socdo,islamarkaana Shacab iyo Dowlad aan loo kala harin.

Wuxuu sheegay in Barnaamijka Gurmadka deg deg ah ay Dowladda ku dhawaaqday uu ka jawaabayo seddex baahi oo ay tahay muhiimadda loo aas aasay.

. Deeq Uruurin loogu talagalay in lala garab istaago dadka dhaawacyada ah iyo dhibanayaasha Qaraxii wuxuushnmada ahaa ee ka dhacay isgoyska Soobe.

. Xog Uruurin lagu sameynayo dadka dhibaatada soo gaartay kuwa dhaawaca ah,dhimashada iyo waliba dadka wali la la’yahay.

. Hantida la Uruurinayo meesha lagu bixinayo oo ah mida ugu muhiimsan ee hadda Guddiga gurmadka uu isha ku hayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Gurmad Qaran oo sii hadlayay ayaa intaasi raaciyay in magaalooyin badan oo ka mid ah dalka sida Boosaaso,Garowe,Baydhabo,Kismaayo,Hargeysa iyo Burco uu gurmadka ka socda,islamarkaana halkaasi ku sugan yihiin dhalnyaro is-xilqaantay oo waqtigooda u huraya sidii shacabka dhibaatada gaartay loo gargaari lahaa.

“ Seddex habeen ka hor waxaa magaalada Boosaaso laga soo uruuriyay 300.000 oo doolar (Saddex Boqol Oo Kun Oo dollar),sidoo kale magaalada Garowe waxaa laga uruuriyay 150,000,sidaasi oo kale magaalooyin badan ayay xogo muhiim ah oo lagu farxo naga soo gaarayaan,”ayuu yiri Maxamed Yuusuf Jamaac oo Guddiga gurmadka u hadlay.

Dhanka kale, Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah xubin ka tirsan Guddiga Gurmad Qaran ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan wax marayaan,islamarkaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed fahmaan qiimaha iskaashiga iyo isku kaalmeynta uu leeyahay.

Wuxuu ugu baaqay dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan iney isku gurmadaan,islamarkaana qof waliba wuxuu awoodo uu la garab istaago walaalahooda dhibaatada ka soo gaartay Masiibadii Soobe.

Qaraxii Wuxuushnimada ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab 14-kii bishan ka geysatay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay 281-ruux halka 300-Qof kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo hadda dhaawacooda gudaha dalka iyo dibada lagu daweeynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in loo diyaargarowbo dagaal wadajir ah oo lagu qaado Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Shirkadda BECO oo 70 kun oo dollar ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

0
Waxaa weli sii xoogaysanaya howlaha loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qarixii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishan.

Shirkadda korontada BECO ayaa ka qeybqadanaysa gurmadka loo fidinayo dadkaasi dhibaataysan, iyadoo deeq lacageed oo kumanaan gaaraysa ugu deeqday dadkaasi Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Guddiga Gurmadka dadkii waxyeeladu soo gaartay ayaa lagu wareejiyay ilaa 70 kun oo dollar oo ay bixisay shirkadda Beeco taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii dhibaatadaasi soo gaartay.

Maxamed Sadiiq Skeeh oo kamid ha mas’uuliyiita BECO oo deeqdaasi lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ugurmashada dadkii musiibadaasi ay saameysay.

Kuwait oo si ku lul u weerartay dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

0
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad oo ka socday dalka Russia magaalada Saint-Petersburg ayaa kalmado weerar ah oo geesinimo ku jirto ku yiri xubnihii ka socday gumaystaha Israel ee haysta dalka Falastiin

Marzouq Al-Ghanim, ayaa shalay oo Arboco ahayd ku yiri xubnihii matalayay Israel inay hoolka shirku ka socdo bannaanka uga baxaan wuxuuna cod dheer ku yiri.

“Waxaan guddoonka baarlamaanka caalamka u sheegayaa, kuwan u eg inay yihiin xildhibaano ee matalaya dowladda argaggixisada ah ee fuliya fal-kasta oo xun inay bannaanka u baxaan”

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, “Waxaad tihiin gumaysteyaal, dilaa ayaad tihiin maatada xasuuqa, carruurta laaya, waxaan u sheegayaa gumaysteyaasha oraahda caanka ah  “haddaydnaan xishoonayn waxaad doontaan sameeya”

Wuxuu kaloo yiri:-  Hadday idinku jirto waxyar oo karaamo ah waxaa idiin fiican inaad bannaanka u baxdaan gumaystayaalyohow, baxa!

Al-Ghanim ayaa kulan saxaafadeed uu qabtay markuu soo idlaaday kulankii baarlamaanka adduunka u sheegay warfidiyeennada inuu muujinayay kacdoon ka dhan ah gumaystaha Israel kaddib markii la xiray xildhibaano Falastiini ah oo shirka iman lahaa, wuxuuna hadalkiisii sababay in xubno badan oo shirka caalamiga ah ku sugnaa ay ku taageereen kacdoonka ay muujiyeen xubnihii ka socday dowladda Kuwayt.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Waan u caddaynay waxay yihiin, waxaan kaloo u sheegnay inaysan hoolka shirarka aysan sharci u lahayn inay yimaadaan, taasoo ay nagu taageereen martidii kale ee sharafta lahayd ee goobta ku sugnayd”.

Al-Ghanim wuxuu kaloo intaa raaciyay, “Waxaan si caro-leh ugu sheegay inay boorsooyinkooda qaataan hoolkana ka baxaan”.

Hadalka mudane Al-Ghanim kaddib ayaa laga arki karaa gaaban oo warbaahinta loo dusiyay oo kasbaday taageero badan, waxaana mar qura isqabsaday hoolkii shirka garaacidda miisaska taasoo ku qasabtay xubnihii ka socday Israel inay shirka ka baxaan.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
mjfaarah@gmail.com

Kuwait oo si ku lul u weerartay dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

0

Muqdisho(SONNA) Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad oo ka socday dalka Russia magaalada Saint-Petersburg ayaa kalmado weerar ah oo geesinimo ku jirto ku yiri xubnihii ka socday gumaystaha Israel ee haysta dalka Falastiin