Home Blog Page 1480

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo waxaa soo gaarey kala duwan kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha  muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.

Shacabka Jarmarlka oo u dareeraya doorashada dalkaas

0

Dalka jarmalka ayaa maanta waxaa ka dhacaysa codaynta doorashada guud, iyadoo xisbiyada siyaasaddu ay u loolamayaan hogaanka dalka.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa saadaashu tahay in xisbigeeda Christian Democrats ay ku guulaystaan kuraas badan, taas oo ka dhigan inay markii afraad ku guulaysato hoggaaminta dalkaas
Balse waxaa haysta cadaadis kaga imaanaya kooxaha dhaleeceeya muhaajiriinta, iyagoo ku doodaya inay wadanka Ajnabi gacanta u galisay.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ku doodaysa inay wax badan ka qabatay dhaqaalaha dalka iyo inay gacan wayn u fidisay qaxootigii tirada badnaan ee dalkasi soo galay 2015-tii.
Xisbiga midig fog ee AfD ayaa isna la saadaalinayaa inay markii ugu horaysay ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka, isagoo mucaarad ku ah Angela Merkel.
Doorashadan ayaa ku soo aaday waqti xasaasi ah oo siyaasadda gudaha Jarmalka shacabku aragtiyo ka qabaan.

Kulan looga hadlayay sugidda Amniga Dalka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sugi lahaa guud ahaan ammaanka Dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midpowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,iyaduu ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa  sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen Amisom.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo gaaray xuduuddaha Waqooyiga Kuuriya

0

Habeenkii xalay ayad ayaa Diyaaradaha nuuca dagaalka ee bamka xambaara ee uu leeyahay  Maraykanku waxay dulmareen meel u dhow Xeebaha Bari ee Dalka Waqooyiga Kuuriya oo Caalamka indhaha uu ku hayo,waxaana arrintani lagu sheegay in ay muujinayso mid madaxweyne Trump uu ku kala dooran karo talaabooyinka dhanka dagaalaka ah haddii uu u arka khatar kaga timaada Kuuriyada Pyongyang .

Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Washington ayaa Tallaabadan ku tilmaamtay inay ahayd dhoolatus ay  ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump oo ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya in ay khatar ku tahay aminga Caalamka.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaaray halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi abadi tan iyo bilawgii qarniga 21aad.

Dhinaca  kale , Kuuriyada Waqooyi ayaa arintasi ka hadashey Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah in arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump oo horay ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.

Kuuriyada Waqooyi ayaaa sheegaty in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cadd buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo sidaasina waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibaddaa ee Waqooyiga Kuuriya.

Kulan looga hadlayay sugidda Amniga Dalka oo Muqdisho ka dhacay

0

Kulankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sugi lahaa guud ahaan ammaanka Dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midpowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,iyaduu ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa  sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen AMISOM.

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

0

Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka  ka dhacay Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha  muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.

Diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka oo u dhawaaday hawada Waqooyiga Kuuriya

0

Mareykanka (SONNA) Habeenkii xalay ayad ayaa Diyaaradaha nuuca dagaalka ee bamka xambaara ee uu leeyahay  Maraykanku waxay dulmareen meel u dhow Xeebaha Bari ee Dalka Waqooyiga Kuuriya oo Caalamka indhaha uu ku hayo,waxaana arrintani lagu sheegay in ay muujinayso mid madaxweyne Trump uu ku kala dooran karo tlaabooyinka dhanka dagaalaka ah haddii uu u arka khatar kaga timaada Kuuriyada Pyongyang .

Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Washington ayaa Tallaabadan ku tilmaamtay inay ahayd dhoolatus ay  ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump oo ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya in ay khatar ku tahay aminga Caalamka.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaaray halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi abadi tan iyo bilawgii qarniga 21aad.

Dhinaca  kale  kalena, Kuuriyada Waqooyi ayaa arintasi ka hadashey Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump ooh ore ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.

Kuuriyada Waqooyi ayaaa sheegaty in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cadd buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo sidaasina waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibaddaa ee Waqooyiga Kuuriya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey António Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururada argagixisada sida Al-Shabaab.

António Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaartay waqtiga kooban.

—DHAMMAAD—- 

Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Kasoo Degtay Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA)-Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 08:10 ka hor shan daqiiqo kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tira badan waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa kasoo degtay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wakiilka Midowga Afrika oo kulmay-Sawirro

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM General Cisman Noor Subagle.

Mas’uuliyiinta labada dhinac  ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo kordhinta Howlgalada amniga lagu sugayo ee ka socda magaalda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleyn sidii Ciidamada AMISOM oga bixi lahaayeen goroonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium, halkaas oo mudo fariisamo u aheyd Ciidanka AMISOM.