Home Blog Page 140

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

0

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nidaamka sharciga iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Wasiirka amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay martida doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dib-u-habaynta laamaha amniga iyo horumarinta hay’adaha garsoorka, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac.

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

0

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellada hoose, kaas oo lagu beegsaday malleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo kooxda Khawaarijtu u adeegsan jirtay in ay isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, si ay u gudbiyaan saanad, una fuliyaan falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah.

Sidoo kale, hawlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahayd deegaankaas, kuwaas oo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo Khawaarijtu u adeegsanayeen gabbaad iyo kaydinta hubka.

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku guddoomiyay kulan looga hadlaayay dardargelinta amniga caasimada.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbixinno looga dhaggeystay saraakiisha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, nabadsugidda iyo Police Military.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay dadaallada hey’addaha amniga ay ku xaqiijinayaan amniga caasimadda, asigoo kula dardaarmay in la dardargeliyo amniga iyo wada shaqeynta.

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobollada Waqooyi ee dalka. Labada mas’uul waxay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abaarta, iyagoo muhimad gaar ah siiyey in laga hortago saameynta ay abaartu ku leedahay nolasha bulshada, iyadoo la qorsheynayo in ceelal biyoodyo laga hirgeliyo deegaannada sida joogtada ah abaartu ugu soo noqnoqoto.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safiirka la wadaagay qorshe safar rasmi ah oo uu dhowaan ku tagi doono Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hay’adaha gargaarka iyo gurmadka degdegga ah ee dalkaasi. Ujeeddada safarkaasi waa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo u ololeynta in la kordhiyo kaalmada tooska ah ee la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo is-garabsi.

Dhankiisa, Safiir Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan qaaday in Dowladda Imaaraadku ay si buuxda uga shaqeyn doonto qodobadii laga wada hadlay, isla markaana ay dhawaan Soomaaliya soo gaarsiin doonaan shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha bini’aadantinimo.

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi , Xilli ay Soomaaliya ka qayb geli doonta dhawaan ciyaaraha jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Doha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaaraha jaamacadda Carabta oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa dhanka kale la wadaagay safiirka muhiimadda ay Soomaaliya siineyso horumarinta kaabayaasha isboortiga iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa tilmaamay ahmiyada ay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada waddan ee Soamaaliya iyo Qatar u leedahay horumarinta dhallinyarada iyo Isboortiga iyo sida ay Qatar kaga go’an tahay garab siinta Kaabayaasha Ciyaarah iyo Horumarinta Dhallinyaradaba.

Wasiir Maxamed ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada dhanka horumarka dhallinyarada iyo isboortiga, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo fursado cusub oo horumarineed.

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay danjiraha dalka Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Afandi. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashi ee dhex mari kara caasimadaha Muqdisho iyo Khartoum.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay khibrad-wadaagga labada dal si gaar ah caasimadaha oo duruufo isku mid ah la kulmay wax badanna iska kaashan kara dhanka dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa ka sheekeeyay sida ay shacabka Soomaaliyeed abaalka weyn ugu haayaan dalka iyo dadka Sudan oo xiriir soojireena wadaaga, asigoona u rajeeyay walaalaha reer Sudan in ay si dhaqso ah uga soo kabtaan xaaladaha colaadeed ee dalkooda saameeyay.

Safiirka ayaa ka mahadnaqay soo-dhawaynta loo sameeyay, wuxuuna Duqa Magaalada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Jaaliyadda Sudan ee Muqdisho, arrintaas oo uu Guddoomiye Muungaab ballanqaaday in uu taageerayo dadaal kasta oo khuseeya jaaliyadda iyo isdhexgalkooda iyo khibrad-wadaagga ay la yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad wada-shaqeyn oo ku saabsan horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska dalka.

Heshiiskan iskaashi waxaa dhinaca Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, halka Jaamacadda Muqdisho uu u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo guddiyo matalayay labada dhinac oo si wadajir ah uga shaqeeyay diyaarinta heshiiskan is-afgaradka ah.

Ujeeddada iskaashigan waa in la xoojiyo cilmi-wadaagga, tababarrada xirfadeed, iyo horumarinta aqoonta la xiriirta warbaahinta, suugaanta dhaqanka, iyo kobcinta dalxiiska, si loo taageero himilooyinka horumarineed ee dowladda iyo kor u qaadista tayada warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka oo xoogga lagu saarayo wax ka qabashada iyo ka hortagga dembiyada Haweenka laga galo.

Munaasabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda iyo Haweenka gobolka Banaadir.

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

0

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay weerar naf la caari ah oo Khawaarijtu ay maanta ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dagaal culus ayaa weli ka socda aagga deegaanka Gumare, saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay jebiyeen Khawaarijta, oo firxadkooda ay sii baacsanayaan.

Khasaare culus oo dagaalka weli socda lagu gaarsiiyey Khawaarijta ayaa jira, meydadka maleeshiyaad lasoo qalday ee argagixisada ayaa daadsan goobaha dagaalka, waxaana socda tira koobka baqtiga Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha howlgalka oo weli socda kala soco Warbaahinta Qaranka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.