Home Blog Page 139

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo salaada ciidul-fidriga kula dukaday jiida hore ee dagaalka ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka.

0

: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa maanta jiida hore ee dagaalka kula dukaday salaada ciidul-fidriga Ciidamada Qalabka Sida, Xaq-u-dirirka deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan.

Hirshabeelle ayaa dagaal adag kula jirto Khawaarijta dalka kusoo duushay waxana lagu ciqaabay fagaarayaasha dagaalka.

“Ma-soomaayaasha waxaan dagaal adag kala hortagnay anaga oo sooman welina waxaan jiida dagaalka u joognaa sidii loo soo af-jari lahaa.”

Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku baaqay in loo midoobo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

 

 

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu go’doomiyay dhul howd ah oo u dhaw Masaajid Cali Gaduud

0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus ka fulinaya dhulka howdka ah ee magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe,

Howlgalka oo cir iyo dhul ah ayaa weli ka socda deegaanka, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka waxaana halkaas lagu go’doomiyey horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Faahfaahin dhameystiran goordhow kala soco Warbaahinta Qaranka, Inshaa Allaah

Madaxweynaha JFS oo farxadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid ah Agoonta waalidkood ay ku shahiideen dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid ah Agoonta waalidkood uu ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay joogteyn doonto xuquuqda u gaar ka ah caruurta agoonta Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo hoosta ka xarriiqay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, waxa uuna Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta Islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA KULA OOGAY KUMANNAAN SHACAB AH MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

R/ Wasaare Xamsa oo salaaddii ciidda la oogay ciidan iyo shacab ku sugan Sh/Hoose

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Tukashada salaadda ciiful fitriga oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shacabka ku dhaqan deegaankaasi,waxaa ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay halkaasi uu u mahad celiyey bulshada nambar konton oo u istaagay in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda .

R/wasaare Xamsa waxa uu ugu baaqay dadweynaha Gobolka Sh/Hoode inay garab istaagaan halganka khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolkaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Daawo gaarsiiyay Cisbitaalka degmada Cadale

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta booqday isbitaalka weyn ee degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa ku wareejiyay shixnad daawo ah oo ay Hay’adda ugu talagashay in lagu caawiyo ciidamada qaranka kuwa deegaanka iyo dadka rayidka ah ee ku soo dhaawacmaya furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah ee khawaarijta.

Guddoomiye Maxamuud, ayaa deeqdan Shaxanda ah oo ka kooban qeybo kale duwan, waxa uu ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Cadale Muuse Maxamed Axmed, Xildhibaan Geedo Oomane , madaxa caafimaadka degmada Cusmaan Maxamed Jabshe, iyo mas’uuliyiin kale.

Hay’adda SoDMA ayaa maalmihii dambeeyay waday dadal xooggan oo gargaar kala duwan lagu gaarsiinayo gobollada Dalka gaar ahaan goobaha ay ka socdaan xoreynta Khawaarijta Al-shaabaab.

 

Qoysas dan yar ah oo loo qeybiyay deeq gargaar oo ka timid xarunta Boqor Salmaan

0

Waxaa sii socota qaybinta Zakada Fidriga ee sanadkan 1446H – 2025, oo ay fulinayso Xarunta Boqor Salmaan iyadoo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation .

Maanta, oo ah maalinta labaad ee mashruuca, ayaa qaybinta si habsami leh u socotay, iyadoo la gaarsiiyay deeqaha xarumaha agoomaha, dadka nadaafadda ee ku nool Isbitaalka Martini, iyo qoysaska danta yar ee ku nool degmada Garasbaaleey ee gobalka Benadir iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaybinta maanta waxay sii xoojisay dadaallada lagu yareynayo culeyska nololeed ee qoysaska danyarta ah, iyada oo la xoojinayo farxadda maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga. Dadka ka faa’iideystay mashruucan ayaa muujiyay dareen mahadnaq iyo farxad, iyagoo uga mahadceliyay hay’adaha iska kaashanaya gargaarkan naxariista leh.

Mashruucan oo qayb ka ah dadaallada gargaarka ee joogtada ah, wuxuu sii adkeynayaa kaalinta Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida amniga cuntada, caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, waxay mar kale bogaadinaysaa Xarunta Boqor Salmaan dadaalkooda joogtada ah iyo taageeradooda deeqsinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la rajeynayaa in mashruucan uu wax badan ka tari doono baahiyaha nololeed ee qoysaska danta yar, si ay u helaan farxad iyo xasillooni inta lagu jiro xilliga ciidda barakeysan.

 

 

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚.

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeyb galay dood gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Nafaqa darada ee wadamada Nugul.

Dooda oo aheyd mid sigaar ah diiradda loogu saarey dhibaatooyinka nafaqo-darada ayaa ujeedadeedu tahay sidii wadamada soo koraya ee ay Soomaaliya ka mid tahay sidii loogu heli lahaa xal waara aydoo goobta sidiiran loogu soo bandhigey heerka xaaladahaas ee wadamada ka qeyb galey dooda si loo gaaro gunaanadka, Wasiirka oo su’aalo laga waydiiyey sida Soomaaliya wax uga qabatay xaladaha nafaqa-darrada ayaa ka hadley is badalka xagga ku socda qeybta Nafaqada ee Soomaaliya.

NISA oo kaashanaysa ciidanka xoogga dalka ayaa duqayn ku dishay in ka badan 21 khawaarij ah

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shebeellaha Dhexe.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo hirgelisay Mashruuca qeybinta Zakada Fidriga ee 1446H 

Iyadoo la fulinayo ballanqaadkeenii joogtada ahaa ee ku aaddan taageeridda dadka u baahan iyo xoojinta ammaanka cuntada ee Soomaaliya, Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada, ayaa hirgelinaysa Mashruuca Qaybinta Zakada Fidriga ee sanadka 1446H – 2025. Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada gargaarka ee joogtada ah, si kor loogu qaado nolol-wanaagga qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay.

Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona 57,000 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo degmooyinka qaar ee Shabeellaha Hoose. Ujeedada mashruucan waa in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo maalmaha ciidda Fidriga kuwo farxad leh.

Mashruucan wuxuu sii xoojinayaa dadaallada Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la fulinayo mashaariic kala duwan oo daboolaya dhinacyada ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, si kal iyo laab ah, uga mahadcelinayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada taageeradooda deeqsinimada leh iyo iskaashigooda joogtada ah ee hirgelinta mashaariicda gargaarka. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa go’aankeenna ah inaan sii wadno gargaarka dadka u baahan iyo xoojinta iskaashiyada wax-ku-oolka ah, si loo xaqiijiyo nolol sharaf leh oo dhammaan bulshada ah.