Home Blog Page 139

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug, gaar ahaan dekedda Hobyo, wadooyinka, iyo garoomada diyaaradaha.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isla gartay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka Turkiga ay maalgashi ka sameeyaan Galmudug, maadaama deegaannada maamulkaas laga dareemayo amni lagu kalsoonaan karo.

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaalinta ay gaacsatadu ka qaadan karaan dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Md. Xasan Maxamed Jimcaale ayaa lagu falanqeeyay fursadaha iskaashiga iyo wada-shaqaynta ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo Ganacsatada si looga guulgaaro qorshayaasha maamulka ee ku saabsan arrimaha dib-u-dhiska kaabayaasha nolosha oo ay ugu horreeyaan waddooyinka, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali Gabayre ayaa bogaadiyay dadaalka uu Maamulka Gobalka Banaadir ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha burburka waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada guud, wuxuuna afka Ganacsatada Soomaaliyeed ku ballanqaaday in ay si buuxda u taageeri doonaan ka-miro-dhalinta qorshayaasha horumarineed ee laga wado Caasimadda.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.

Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15 xubnood oo ah aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. Waxayna kala yihiin:

1. Dr. Cabdinuur Maxamuud – Guddoomiyaha Guddiga

2. Dr. Maxamed Cali Faarax – Guddoomiye Ku-xigeen

3. Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed – Xubin

4. Dr. Axmed Aadam Maxamed – Xubin

5. Dr. Roble Ibraahim Liban – Xubin

6. Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar – Xubin

7. Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) – Xubin

8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif – Xubin

9. Dr. Cabdiwahab Cali Mumin – Xubin

10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxmaan – Xubin

11. Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi – Xubin

12. Dr. Maxamed Macallin Cabdullaahi Kutub – Xubin

13. Dr. Maxamed Ibraahim Nuur – Xubin

14. Dr. Maxamuud Yuusuf Garre – Xubin

Dr. Nadiifa Sheekh Cumar – Xubin

Shirka Golaha waxaa kale oo looga hadlay dib-u-eegista qaab-dhismeedka hay’adaha dowladda iyo waafajinta xeerka kala xadeynta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey dadaalka ay ku tayeysay adeegga Xajka, taas oo suuragelisay in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka si wanaagsan u maareeyay Xajka sanadkan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:

  1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay’ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.
  2. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.
  3. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.
  4. Suuragelinta waxbarashada heerarka Master’s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.
  5. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hay’adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabda’a hantidhowrista.

Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga go’an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta tiknoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadaysa adeegyada dadweynaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, oo kulanka uga qeyb qaatay dhinaca farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dhijitaalka ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Sacuudi Carabiya uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiirro heer federaal, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Timacadde, iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Shirweynaha dhameystirka maamul-dhiska SSC-Khaatumo oo si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood, iyadoo kulankan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta hannaanka dowlad dhiska deegaanka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kulammo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, horumarka iyo maamulka loo dhanyahay ee SSC-Khaatumo.

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu uga qeyb-galayo daah-furka Istaraatiijiyadda Carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Munaasabadda furitaanka oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee waddamada Carabta, iyadoo magaalada Cammaan loo aqoonsaday caasimadda Dhallinyarada Carabta ee sanadka 2025.

Wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona dhiggiisa Carbeed iyo wakiillo ka socdo hay’adaha caalamiga ah, si uu uga warbixiyo qorshaha Soomaaliya ee la xiriira Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, kaas oo maraya heer gebogebo ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada:

– Kordhinta awoodda u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah

– Taageeridda dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah

– Horumarinta nolol waarta oo loo abuuro bulshooyinka nugul

Iskaashigan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah, taasoo ah tallaabo muhiim u ah badbaadada iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha dalka Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxa African Electronic Trade Group (AeTrade), Mudane Mulualem Syoum, iyadoo kulankaasi lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed si loo horumariyo mustaqbalkooda.

Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac, kaas oo ka shaqeyn doona hirgelinta iskaashiga labada dal.

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

0

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha musiibo ee ka dhici kara dalka.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran, Dr. Cali Xaaji Aadan. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir; Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle; iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.

Intii uu socday kulanka, guddigu waxay xoogga saareen kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee xarumaha gurmadka degdegga ah, iyadoo la dardargelinayo qalabeyntooda si ay si hufan uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah. Waxa kale oo la adkeeyay baahida loo qabo diyaar-garow wax-ku-ool ah oo looga hortagi karo musiibooyinka soo noqnoqda ee dalka saameeya.

Sidoo kale, guddigu waxay ka doodeen baahida loo qabo in la sameeyo dadaallo dhaqaale ururin ah oo ku saleysan iskaashi u dhexeeya dowladda, ganacsatada, iyo shacabka, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha gurmadka ee la tacaalaya xaaladaha degdegga ah.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda gurmadka dalka, isla markaana looga golleeyahay in laga fogaado jawaab celin daahsan marka ay dhacaan musiibooyin.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo qeybo kamid ah dalka ay wajahaan xaalado adag oo bini’aadantinimo, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo u diyaar-garow mideysan.