Home Blog Page 134

Wasiirka Maaliyadda oo billad sharaf ay guddoonsiyeen Ururka Bangiyada Soomaaliyeed

Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa xalay munaasabad ballaaran waxa ay ku maamuuseen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo dhawaan ku guulaystay billadda Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025-ka.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah goleyaasha dowladda, ururada bulshada rayidka, aqoonyahano iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda sida Wasiiru dowlaha wasaaradda Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda mudnae Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Munaasabadda ayaa intii ay socoday waxaa sidoo kale bilad-sharaf lagu guddoonsiiyay wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer ugu mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee cashuur bixiye-yaasha ah iyo ganacsatada had iyo jeer u taagan ka qeyb qaadashada dib-u-dhiska dalkooda.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa ugu dambayn halkaasi lagu guddoomsiiyay billad sharaf qaali ah, wuxuuna u mahadceliayay ururka Bangiyada Soomaaliyeed oo soo qaban qaabiyay munaasabadda.

Wasiir Biixi Iimaan Cige “Ururka Bangiyada Soomaaliyeed waan uga mahadcelinayaa maamuuska ay ii sameeyeen, taas oo igu dhiirigelineysa horumarinta dhaqaalaha dalka.”

 

Ciidanka Qaranka oo burburiyay bar Koontarool oo Khawaarijtu ku lahaayeen Deegaanka Busleey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 144-aad ee ka tirsan Guutada October, ayaa maanta guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaas ayaa lagu burburiyay bar koontarool oo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen halkaas, oo ay u adeegsan jireen inay ku dhibaateeyeen dadka deegaanka ah.

Howlgalka oo si hufan loo fuliyay ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Ururka 144-aad Mahad Cali Nuur Raage.

Ciidanka Qaranka ayaa si geesinimo leh u burburiyay fariisinka cadowga ay ku lahaayeen halkaas.

Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa howlgalka Degaanka Busleey, Ciidamada ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin Difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Wasiir Xeyd oo ka qeyb-galaya Shirka Sanadlaha ee Guriyeynta Afrika

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-udhiska iyo Guriyeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Wasiir Xeyd iyo wafdigiisa ayaa shirkan ku matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeyb-qaadan doona wada-tashiyada muhiimka ah ee ajandayaasha shirka.

Muddada uu shirku soconayo waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo la xiriira sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika iyo sidii wadashaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo inta badan dalalka Afrika, oo Soomaaliya ay kamid tahay, shanta sano ee soo socota.

Dowladda FS oo Puntland ugu baaqday inay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga xuntay dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee ka dhacday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday, waxayna alle uga baryeysaa caafimaad dhammaan kuwa ku dhaawacmay.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha inay si degdeg ah u joojiyaan falalka colaadda, ayna bulshada deegaanka ku boorinaysaa inay ilaashadaan daganaanta iyo xasilloonida.

Wasaaradda ayaa si xushmad leh uga codsaneysa isimada dhaqanka, culimada, iyo waxgaradka inay ka qeyb qaataan xakameynta iyo soo afmeerista xiisadda ka taagan Dhahar, lagana hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa Madaxweynaha Puntland inuu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda, islamarkaana uu dib ugu celiyo ciidamada laga soo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talagalay inay la dagaallamaan Khawaarijta, balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan wax tar lahayn.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran xaqiijisay iyo sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay gaarto horumar la taaban karo, oo ay hormuud u tahay doorashooyinka dadweynaha talada loogu celinayo .

Dhankiisa Mr. Giulietti, ayaa sheegay in dowladda Switzerland ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta.

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, si ay u qaadato kaarka codbixinta doorashada dadweynaha oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo dalka.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay si buuxda uga qaybqaataan diiwaangelinta kaarka codbixinta, si ay u doortaan qof ay siyaasad ahaan ku qancaan, iyadoo xustay in ka qaybgalka doorashooyinka uu yahay waajib muwaadinimo oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada iyo matalaadda shacabka.

“Qaadashada kaarka codbixinta ma ahan oo kaliya hab doorasho, waa fursad muwaadin kasta uu ku muujin karo codkiisa, kalsoonidiisa iyo doorkiisa dhismaha mustaqbalka dalka.”

Marwada Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadisay dadaalka hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo sal u noqon doonta dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Qaadashada kaarka codbixinta ayaa si habsami leh uga socota maamul-goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, iyadoo dadweynuhu ay muujinayaan firfircooni iyo ka go’naansha qaadashada kaarka Codbixinta

Ugu dambeyn, Marwada Madaxweynaha ayaa ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay door muhiim ah uga qaataan dhismaha dowlad ku saleysan rabitaankooda.

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

0

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada 34‑aad ee xubnaha siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee Bariga Afrika (EASF), iyada oo ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan muhiimka ah .

Kulankaan ayaa soconaya 15 Luulyo illaa 19 Luulyo 2025, waxaa sanadkan kulanka guddoominaysa madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo qabanaysa xilka guddoomiyaha ee EASF .

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo istiraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda, amniga iyo iskaashiga dhanka ciidamada, booliiska iyo qaybaha rayidka, iyada oo loo eegayo dhacdooyinka amni ee ka jira gobolka Bariga Afrika.

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Md. Cabdullaahi Al-cutaybi oo booqasho sharafeed ku yimid Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Caasimadda ayaa soo-dhawayn ka dib waxa uu Danjiraha Jaamacadda Carabta la wadaagay dadaallada baaxadda weyn ee ay dowladda hoose ka waddo Caasimadda, kuwaas oo isugu jira dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta, hagaajinta kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, bullaacadaha iyo biyo-mareennada, iyo weliba horumarinta arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku amaanay Jaamacadda Carabta kaalinta soojireenka ah ee ay ka qaateen taageeridda shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee la soo maray, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo xiriirkaas taariikhiga ah, loogana faa’ideysto dhinacyada muhiimka ah marxaladdan uu dalku soo-kabashada ku jiro.

Danjire Al-cutaybi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo-dhawaynta kalsamida leh ee uu kala kulmay Duqa Caasimadda Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in Jaamacadda Carabtu ay ku dadaalayso sidii ay Soomaaliya, dal iyo shacabba uga taageeri lahayd dhinacyada kordhinta aqoonta iyo karaan-dhiska dhallinyarada Soomaaliyeed, xoojinta kaalinta luuqadda Carabiga, iyo arrimaha kale ee la xiriira dawlad-dhiska iyo xaqiijinta isku-filnaanta heer qaran ee Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ayaa xiray Askari jirdilay gabar Soomaaliyeed

0

Hay’adaha ammaanka ayaa soo xiray Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari loo heysto in uu jir-dil u geystay gabar Soomaaliyeed, falkaas oo si cad uga soo horjeeda sharciga iyo anshaxa ciidanka.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in lasoo xiray eedeysanaha, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda awooddda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐭𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka geeska Afrika oo sanadkani ay Dowladda Soomaaliya shir-guddoon ka tahay, kaas oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in hirgalinta qorshayaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah uu qeyb wayn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo isku xirnaanta dalalka geeska.

Kulankani ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhaxgalka adeegyada dhijitaalka ah (𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑰𝒏𝒕𝒆𝒈𝒓𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑯𝒐𝒓𝒏 𝒐𝒇 𝑨𝒇𝒓𝒊𝒄𝒂) oo muhiim u ah Bulshada Gobolka Geedka Afrika, maadaama dunida oo dhan ay la sii jaanqaadayso horumarka xiliga casriga ah oo lagu tartamayo hannaanka dhijitaalka.

Madashan Iskaashiga ah ayaa inta badan diiradda lagu saaraa sidii loo horumarin lahaa danaha iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Africa.