Home Blog Page 132

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID.

Goobaha uu sida gaarka ah Taliyuhu kormeerka ugu sameeyey waxaa kamid ah Xarunta Caafimaad ee Maxaabiista loogu adeego iyo Goobta sida gaarka ah loogu hayo Maxaabiista dambi baarista lagu sameynayo.

Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay Hogaanka iyo Howlwadeenada CID ayaa kula dardaarmay in kiisaska baarista ee loo keeno iyo kuwa ay gacanta ku hayaanba u cadaalad sameeyaan kana fogaadaan waxkasta oo dib u dhac ku keeni kara adeegga ay Bulshada u hayaan.

Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado

0

Guddoomiyaha Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale “Xabeeb”, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Mudug isaga oo ay wehliyaan koox caafimaad oo khaas ah si ay daawayn iyo la talin caafimaad ugu fidiyaan dadka qaba xanuunnada dhimirka iyo kuwa nafsiga.

Wafdigan ayaa waxa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiinta caafimaad deegaanka, oo uu ka mid yahay Maareeyaha Cisbitaalka Xabeeb ee Cadaado, Shariif Fagaaso, kaas oo u sheegay Telefishinka Qaranka in hindisaha Xabeeb uu horey u caawiyey bukaano badan isla markaana uu sii socon doono inta kooxda caafimaadku joogto magaalada.

Dr. Cabdiraxmaan ayaa xusay in Cisbitaalka Xabeeb uu xaruntiisii Cadaado furay bishii May 2024, tan iyo markaasna uu daweeyey ku dhowaad 900 bukaan oo ka kala yimid deegaanada Soomaalida ee Itoobiya, Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in maanta uu bilaabanayo barnaamij cusub oo daawayn adag ah, kaas oo socon doona muddo bil ah ayadoo ay ka shaqaynayaan koox caafimaad oo dhammaystiran.

Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, oo la aasaasay 24-kii November 2005, ayaa ka mid ah xarumaha ugu hormuudka ah dalka ee ku takhasusay caafimaadka maskaxda, wuxuuna hadda maamulaa afar xarumood oo ku yaalla Muqdisho iyo hareeraheeda, kuwaas oo daryeela in ka badan 600 bukaan oo jiif ah, da’dooduna u dhaxayso 17 ilaa 33 sano.

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA

0

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ku galay garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doorto tartanka koobka adduunka ee FIFA.

Waxa uu ka mid yahay saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda Afrikada Saxaraha ka hooseeya si uu u dhexdhexaadiyo FIFA U-20 World Cup 2025.

Ciyaaraha kubbadda cagta adduunka ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Chile inta u dhaxaysa 27ka Sebtember ilaa 19ka Oktoobar.

Cartan waxa uu ku biirayaa Jalal Jayed ee Morocco iyo Youcef Gamouh ee Algeria oo ah garsoorayaasha ugu waaweyn qaaradda.

Ciyaartoyga daba-galka u ah kubbadda cagta Soomaaliya, Cartan ayaa mar sii horreysay noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka socda ee qabta finalka qaaradda, isagoo kormeerayay kooxda Pyramids FC ee Masar oo ka badisay Koonfur Afrika Mamelodi Sundowns ee Qaahira. Sidoo kale waxa uu dhex dhexaadin ka noqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON.

Caawiyayaasha kale ee laga soo xulay Afrika waxaa ka mid ah Gilbert Cheruiyot (Kenya), Abelmiro Montenegro (São Tomé and Príncipe), Khalil Hassani (Tunisia), Eric Ayimavo (Benin), Lahsen Azgaou (Morocco), iyo Mostafa Akarkad (Morocco).

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka Sucuudiga

0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih, intii lagu guda jiray Shirweynihii labaad ee Gaadiidka Badda.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isku xirka badda, adeegyada saadka iyo fursadaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlaayo dib-u-habaynta Garsoorka dalka

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, loogana hadlayey Istaraatiijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka dalka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka qayb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Wasiirrada Cadaaladda ee Dowlad-goboleedyada, Safiirka Soomaaliya ee Kenya, wakiil ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, agaasimeyaal iyo howlwadeeno ka socday Wasaaradda, iyo wakiillo ka socda hay’adaha UNDP, UNODC, UNTMIS iyo Midowga Yurub (EU).

Shirka ayaa lagu xoojinayay iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka si loo mideeyo dadaallada horumarinta garsoorka, iyadoo diiradda la saaray helitaanka cadaalad loo siman yahay, sharci-dejin hufan, iyo xoojinta kalsoonida shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay Dalalka Shiinaha iyo Serbia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo oo uu khudbad ka jeediyey isagoo sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kal hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu uu Maalgashi ku sameysto fursadaha dihan ee dalkeena ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia iyada oo soo dhaweyn taariikhi ah loogu sameeyey caasimadda Belgrade, waxaana uu qasriga madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Serbia mudane Duro Macut, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) ee lagu qabtay magaalada Riyadh, ayaa la kulmay Mudane Haitham Alohaly, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Dayax-gacmeedka iyo Teknoolojiyadda ee Boqortooyada Sacuudiga (CST).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhisidda qaab iskaashi oo dhex mara labada hay’adood, iyadoo xoogga la saarayo wada-shaqeynta ku saabsan nidaaminta garaadka macmalka ah (AI), teknoolojiyadda hawada sare, iyo wadaagista kaabayaasha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. M. Anderson oo ay wehliyeen Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo taageerada xasillinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee AFRICOM ku leedahay dib-u-habaynta amniga Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah.

Jeneraal Anderson ayaa dhankiisa xaqiijiyay ballanqaadka Mareykanka ee ku aaddan in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta xasilloonida Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu wajahayo caqabadaha amni iyo horumarineed ee gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada machadka ee horumarinta tiknoolajiyadda difaaca, oo ay ku jiraan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso saaxiibada caalamka.