Home Blog Page 1031

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

0

Dooxa (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo galabta gaaray magaalada Dooxa ee xarunta  dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka  wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

Duqa Muqdisho oo Degmada Kaxda ka furay Xarun Gurmad iyo MCH

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Degmada Kaxda, Halkaasi oo uu ugu kuur galaayay Mashaariicda Horumarineed ee ka socota Degmada.

Waxa uu sidoo kale xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka, dhismaha taalada laga dhex sameeyay gudaha Degmada, iyo weliba gaari gar-gaar (Ambulance) oo ay yeelatay Degmada.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu kormeer kusoo sameeyay wadooyin jid-cadayaal ah oo laga hergeliyay gudaha degmada iyo kuwo hada ku socda habeyn.

Shacabka Degmada Kaxda ayuu ku amaanay Eng. Yariisow, sida ay isugu tashteen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Malaysia

0

Makkah (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay R/Wasaare Ku Xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Xuseen Ceelaabe wuxuu ahaa Qaamuus ka baxay Qaranka

0

Muqdisho (SNTV):- Alle ha u naxariistee Xuseen Ceelaabe faahiye, waxaa uu ku dhashay magaalada Seylac ee gobolka Awdal, halkaas ayuu ka bilaabay waxbarashada, Dugsigii qur’aanka, 1947 dii ayuu galay waxbarashada aas- aasiga oo ku soo dhammeystay gobolada waqooyi.

Geeridiisa ka hor mar uu ka faalooday biloowgii waxrashadiisii waxa uu yirri”  iskuulka waxaa gacantiisa igu qoray Sh Cabdirahmaan Qaadi aad baan u gaabnaa waxaa igu wargaliyey inaan da’dii iskuulka gaadhin Macalin Xasan  Allatuug oo ardayda qorayay, Waxbarashada oon aad u jeclaa aawadeed daaqada fasalka ayaan subixii Soo joogsan jiray laba maalmood ayuu isha ila helay Cabdirahmaan Qaadi  Maalintaa ayuu go’aansaday inuu ii qoro iskuulka isagoo agabkii waxbarashada dhammaan iguddoonsiiyey”

Waxaa uu ka mid ahaa dhowr qof oo lagu aas aasay wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya 1963-dii markaas oo wasaaradu aheyd xafiis hoostaga Ra’isalwasaarihii xukuumaddii rayidka.

ka hor shaqada waxbarashadii koowaad ee jaamacadda waxaa uu ku soo qaatay Makareri Collage, markii uu bilaabay shaqada waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee loo qaaday Mareynkanka aqoon kororsi ahaan sida uu ii sheegay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Prof. Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo ay isla soo shaqeeyeenin in ka badan 30 sano.

”Waxa uu ahaa qof shaqo jecel, shaqada wuu inooga soo horumari jiray, waana uu nooga dambeyn jiray, waxaa uu ahaa Macalin na dhiira galiya oo shaqada nala qabta, wuu af gaabnaa waxaa uu ahaa Soomaali aanay u kala soocneyn dadkiisa” Prof. Qaloocoow”

1963-dii aas aaskii wasaaradda qorsheynta xiligii dowladii rayidka ilaa dowladii Milatariga burburtay 1991 dhammaan mashaariicdii waa weyned ee dalka laga hirgaliyay oo aan qoraal lagu koobi karin waxaa uu u ahaa laf dhabar Allaha u naxariistee Wasiir Ceelaabe

Aqoonyahanadii la soo shaqeeyay waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa aabihii tirakoobka Soomaaliya (Father of Somali Statistics)

Xilal wasiir, xildhibaan, iyo heer maamul ayuu ka soo qabtay  golayaashii dowladihii Soomaaliya soo maray, haba ugu badnaadeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda.

kadib burburkii dowladii Kacaanka waxaa uu ka mid ahaa dadkii dhabar adeegay ee dalka aan ka bixin waxaana uu la soo shaqeeyay dowladihii ku meel gaarka ahaa iyo dowladaan rasmiga iyo tii ka horeysay.

“Waxaa uu ahaa Qaamuus Qaran, Aqoontiisii iyo waaya aragnimadiisii waa uu la tagay, lagama faa’iidaysan, lama fahmin, lama fahmin waxaa uu ahaa Qaamuus kan ugu sareeyo oo laga heli karo eray walba (Encyclopedia) dhulka Soomaaliya meelkasto waa uu yaqaanay waxa uu ku sheegi karay meel walba iyo mashruuca ku haboon Xuseen Ceelaabe” Prof Qaloocoow

Prof:  Xuseen Siyaad oo ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay soo wada shaqeeyeen waxaa uu ku tilmaamay qof mudan xasuus oo lahaa dad isku wadid Soomaalinimaduna ku weyn tahay.

” Alaha u naxariisto Xuseen Ceelaabe wax weyn ayuu ka soo qabtay horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed, intaan ka aqaano waxa uu ahaa nin dad wada wanaagsan, dadka makala saari jirin, wuu la shaqeyn jiray soona dhaweyn jiray waxaa uu ahaa hogaamiye (Team Leeder) waxaan rajaynayaa in dowladu qirto kaalintii uu ka soo qabtay dhaqaalaha Soomaaliya oo meel qiimo leh lagu magacaabo si magaciisa jiilka soo korayo ugu daydaan” Prof. Xuseen Siyaad

Alle ha u naxariistee Wasiir Xuseen Ceelaabe Faahiye waxaa uu ka mid noqday dadkii ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho 22 kii May 2019 maalin Ramadaan ah isla maalinkii xigay ayaa Muqdisho waxaa loogu sameeyay aas Qaran.

Sida muuqato aqoontii iyo waaya aragnimadii uu lahaa sidii mudneed loogama faa’idin.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaalliya Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocoow) waxaa uu ii sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto Aqoonyahanada waaya araga ah ee nool si aanay u lumin taariikhda ummadda, masuuliyad gaar ahna ay  iska saaro dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray Cabdishakuur Cali Axmed

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u Duulay Dalka Qatar

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

Q.Midoobay oo kun Askari ka dhimeysa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii Jimcaha ee shalay go’aamiyay in ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya laga dhimo 1,000 asksri.

Golaha ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in hoos loo dhigo tirade ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya , laakiin Golahaasi ayaa la sheegay in uu u furan yahay albaabka si dib loogu eego go’aankaas haddii ay soo baxaan Qatar ama dhibaato kale.

Qaraarka dhimista ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya waxaa soo gudbiyay dowladda Ingiriiska,iyadoo ciidamadaasi ay ahaayeen bishii la soo dhaafay ee Febraayo 19,626 Askari.

Ciidamada AMISOM oo la aasaasay sanadkii 2007,waxay isugu jiraan Askar ka socota dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda,kuwaas oo ka howlgala Konfurta iyo Bartamaha Soomaalia.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Makka

0

Makka (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka.

Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Tartamayaasha Xamar Jajab oo gaaray kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sagaal iyo labaatanaad ee wareegga Afar dhamaadka (Semifinal) ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,maadaama lagu guda jiro wareegga afar dhamaadka ee tartanla, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Yaaqshiid, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  Sideed (8) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, iyagoo iska qalday Lix su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Hadaba kulankii 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kulanka kama dambeysta ah (Final) u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, waxana ay fooda is dari doonaan dhigooda Kismaayo oo Finalka fadhida, waana tartamaayasha difaacanaya tartanka..

Habeen dambe oo ah habeenka 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kaalinta saddexaad ku tartami doona Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare Ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul wasaraaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre yaa booqday Xarunta Gahayr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta

0

Makkah (SNTV):-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga qeyb galay magaalada barakeysan ee Makkah kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa laga hadlay xaaladaha ugu danbeeyey ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirkan sida gaarka xooga loogu saaray waxaa kamid ahaa in la cambaareeyo lagana hortago faragelinta iiraan ay ku hayso qaar kamid ah dowlaha carabta iyo sidii loo xakameyn lahaa gantaalada Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ah ay ku weeraraan wadamada khaliijka gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Sucuudiga iyo xeebaha imaaraatka Carabta, waxaana shirkan gabagabadiisa xalay laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhoor qodob.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.