Home Blog Page 1011

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shirka Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya

0

Arbaco, July 10, 2019—Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta.

Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Ruushka

0

 Luuliyo 10, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Dhagax dhigay Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya , mudane;  Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay Hoyga nabadadda Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada Labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dedaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Munaasabadda Dhagax dhigga oo ay ka qeyb galeen guddoomiyayaasha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qaybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Hoyga nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqnaya Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah ee Bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado is-dhex galka Bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka guud ee Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS oo looga dooday Ajendayaal dhowr ah

Muqdisho-(SNTV)-Kulanka guud ee Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ugu horeyn waxaa warbixin looga dhageystay guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray shaqaaqooyinkii Bishii hore ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo,waxaana warbixintaas golaha u akhriyay Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ‘’Maxamed Soomali oo ka mid ah gudigaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan , Maxamed Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha uga warbixiyay Akhrinta Saddexaad Xisaab xirka Dowladda ee Sanadkii 2017.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyay hindise sharciyeedka hay’adda duulista Rayidka  Soomaaliyeed,waxaana golaha u akhrisay ,Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ,oo ah Xoghayaha Guddiga howlaha guud ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha Shacabka oo hindise sharciyeedkan fikirkooda ka dhiibtay, wuxuuna Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulanka soo xiray sheegay in warbixintii ay keeneen Gudigii xaqiiqa raadinta uu goluhu qaraar kasoo saari doono.

Kusimaha Xoghayaha joogtada oo nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Russia

0

Muqdisho (SNTV) – .Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay  nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mudane Mikhail Golovanov.

Kusimaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo.

Madaxweyne Lafta gareen oo goor dhow gaaray Magaalada Marka+Sawirro

Marka-(SNTV)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magalada Marka eeCaasimadda Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha degaanka Ceel-jaale.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmahanba ku sugnaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Shabeellada hoose.

Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo goordhow furmay

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Arbaco ah furmay kalfadhiga 5-aad, kulankiisa 25-aad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay fadhiga soo xaadireen 146 xildhibaan.

Kulanka ayaa lagu dhagaysan doonaa warbixintii ay soo gudbiyeen Guddiga xaqiiqo raadinta Gaalkacyo, Akhrinta 3-aad ee xisaab xirka miisaniyadda 2017-da, Akhrinta Labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, qeybinta heshiiska ka mid noqoshada hay’adda dammaanada maalgashiga darafyada badan.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu kasoo qeyb galay shirkii Baarlamaannada Adduunka ee lagu soo gebagabeeyay Dalka Ruushka.

Mudane; Xaashi ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii kasoo baxay shirka.

Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Labada Aqal ee Baarlamaanka Ruushka, kana wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay Dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Bandhig wax soosaarka Dalka oo baydhabo lagu qabtay (Warbixin)

0

Dhaqaalaha Soomaaliya marka laga hadlaayo waxa uu inta badan ku tiirsan yahay Xoolaha nool, Beeraha iyo Kalluumeyiga, marka haddaay sidaasi tahay ayaan diiradda ku saareynaa Beeraha iyo wax soosaarka Dalagyada kala duwan ee ka baxa Dhulka Soomaaliyeed.

Beeraha Soomaaliya waa isha Labaad ee waxsoo saarka wadanka Soomaaliya taasi oo ay tiro badan oo dad ahi ku tiirsan yihiin, sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhammaan dhirta (muraha iyo khudaarta) ka soo baxa beeraha wadanka Soomaaliya. Waxsoo saarka beeraha Soomaaliya waxay gaarsan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga wadanka, taasi oo soo ururinaysa isticmaalka wadanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada dunida inteeda kale loo ganacsi geynayo.

Abuurka iyo wax-soosaarka beeraha waxaa ay qeyb ka yihiin waxyaabaha ugu waaweyn oo ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed, waxaana in muddo ah meesha ka baxday wax-soosaarka dalagga Beeraha iyo Suuqyadii loo iib geyn jiray, kuwaasi oo hoos u dhigay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray dadkuna ay ku tiirsanayeen.

Haddaba si kor loogu qaado wax soosaarka Beeraha iyo suuq geynteedaba ayaa Magaalada Baydhaba waxaa shalay lagu qabtay soo bandhigis wax soo saarka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah mashruuc ay maalgeliso hey’adda kaalmada u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

Mashruucaan oo lagu soo bandhigay wax soosaarka Dalka oo ay maalgalinteeda iska leedahay Hey’adda Kaalmada dibada ee Dalka Maraykanka ee loo soo gaabiyo USAID ayaa shalay laga furay Magaalaa Baydhabo oo ah Xaruunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay furitaanka Munaasabadaasi Masuuliyiin ka socotay Maamulka Koonfur Galbed, kuwa USAID, kuwa samafalka, maalgashiyaasha iyo kuwa ganacsiga.

Waxyaabaha la soo bandhigay waxaa ka mid ah:- Khudaarta noocyadeeda kala duwan, Cuntooyinka Wadaniga ah sida Haruurka ama Masagada, Galeyda, Digirta, Sisinta iyo kuwa kale.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay Hilibka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin Hilibka Digaaggga iyo Kalluunka.

Hey’adihii soo agaasimay Bandhigaasi masuuliyiintooda oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxay halkaasi ka sheegeen in mashruuca ay maanta daahfurayaan loogu talagalay sidii isku fillaansho dhanka dhaqaalaha ah loo gaari lahaa, waxayna xuseen inay mar walba kaalmeyn doonaan ganacsatada yar-yar si loo kobciyo dhaqaalahooda wax soosaar.

Barnaamikani ayaa lagu sheegay inuu aad waxtar ugu yahay dhammaan dhinacyada ay khuseysa, waayo Mashruucani waxa uu faaiido u yahay dhanka sare u qaadidda wax saasaarka Dalka iyo waliba shaqo abuur u yahay Dhallinta, waxaana toos loola shaqeeyaa Ganacsatada iyo wax soosaarka la tartami kara Dalagyada dibadda la geeyo.

Munaasabadaasi ayaa waxaa kaloo ka hadlay Dadkii soo bandhigay wax soosaarkooda, waxayna sheegeen inay halkaasi keeneen wax ay soo saaraan Shirkadahooda ganacsi oo ay ka mid yihii Khudaarta, Hilibka oo dhowr nooc aha, isalmarkaana ay ku faraxsan yihiin inay soo bandhigaan wax soosaarkooda, ayna u helaan suuq ganacsi oo furann.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Ganacsatadii wax soo bandhigtay shirkad ku howlan dhinaca Abiuur, kuwaasi oo soo bandhigay Abuurka ay hayaan, si ay beerleydu u helaan abuur caafimaad qaba, waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigay Hilib loo sameeyay qaabka ay Soomaalidu u taqaan Oodka iyo Timirta.

Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Baashi oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in si loo gaaro isku filaasho dhinaca Cuntada ah waa in kor loo qaado wax soosaarka Dalaga beeraha.

Mashruucani ayaa ah kii ugu horreeyay ee laga hirgaliyo Magaalada Baydhabo ee Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo horay Mashruucani mid la mid ah looga soo hirgaliyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ka tirsan Maamulka Puntland.

W.D:- C/laahi Ruush

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka,Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen horjooge,Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa nabadiidka Al-shabaab.

Sidoo kale horjoogahan isa soo dhiibay ayaa Argagaixisada u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay nabad diidku ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa horjooge sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista horjooge Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Nabad-diidka, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.