Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskooda oo ku beegan 12-ka Abriil.
Mudane Jibriil ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinimada, naf-hurnimada, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca qaranka, ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed, iyo ka qeyb qaadashada sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Hoggaamiye Jibriil ayaa xusay in munaasabaddan ay tahay mid xambaarsan qiimaha qaranka, isla markaana lagu xasuusto halgankii iyo taariikhdii sharafta laheyd ay soo mareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tan iyo aas-aaskoodii.
“Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, iyo ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalkooda iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalkooda. Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay sii labanlaabaan howlaha ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed.
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidankooda si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo dalka ka hana qaada.

