Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

Date:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray, waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Banaadir.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saarey ku magacaabay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

4- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in si degdeg ah loo qaban doono shir dib u heshiisiin oo ay ku xigi doonto doorashada maamul ay ku qanacsan yihiin shacabka Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo malaaqyada degaannada Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalkii Khawaariijta looga sifeeyey waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira Wasiirro Iyo Xildhibaano uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo.

9- Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshada.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Agaasimeyaasha iyo Xoghayeyaasha Joogtada ee Wasaaradaha Dowladda.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo kheyrka bulshada dhexdeeda.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Wasiir Ku-Xigeenno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo ku saabsan horumar dalka uu ka gaaray dhanka Gaadiidka Badda.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay Madasha Isku-Duwidda Beeraha oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, looguna talagalay xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta barnaamijyada horumarinta beeraha ee dalka.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey Madasha Bani’aadanimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA).

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfurayay shirkadda SOMTURK oo ka asaasantay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah xoojinta iskaashiga Khayraadka Badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.

17- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda.

18- Hoggaamiyaha KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfuur Galbeed.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalladii degaannada Koonfur Galbeed, dagaalka Daraawiishta Puntland kula jiraan Daacish, hawlgalka xoreynta dalka ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyo arrimo kale.

20- Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa diiwaangelisay markab qaatay Calanka Soomaaliya, kaaso lagu magacaabo “Guney” Sumadda tirsigiisuna tahay “IMO 8230417”. Waana markii ugu horeysay ee taariikhda Soomaaliya dagaalkii sokeeye kadib in la sameeyo diiwaanka maraakiibta.

21- Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb gaarsiiyay kaararka iyo sanaadiiqda codbixinta doorashooyinka Qof iyo Codka ah.

22- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay madaxda hoggaannada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

23- Xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya oo tiigsanaya in ay 69-sano kadib markii ugu horeysay ka qeyb galaan kama dambeysta koobka Qaramada Qaaradda Afrika ka dib markii 4-2 uga adkaadeen xulka dalka Mauritius.

24- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ka fuliyay hawlgalo lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, laguna burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka maleeshiyaadka.

25- Shacabka magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay Ciidanka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

26- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Maryam Qaasim ayaa ka qeyb gashay shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI) oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva.

27- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay ayaa Shacabka reer Koonfuur Galbeed uga mahadceliyay soo dhaweyntooda, waxaana ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan xasilinta amniga.

28- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale ayaa qaabilay Danjirha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane wang Yu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...