Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa magaalada Malabo uga qaybgalay Shir-madaxeedka 11-aad ee Hoggaamiyeyaasha iyo Madaxda Dawladaha ee Ururka Dalalka Afrika, Karibiyaanka, iyo Baasifigga (OACPS).
Wasiirka oo matalayay dowladda Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu diiradda ku saaray qorshayaasha hortebinta u leh Qaranka. Waxa uu si gaar ah u iftiimiyey ahmiyadda ay Soomaaliya siineyso iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta ka qaybgalka fagaarayaasha caalamiga ah si loo kobciyo fursadaha horumarineed ee dalka.
Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaan waxa uu kulan doceedyo sidoo kale la yeeshay dhiggiisa dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka, isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada badan leh. Kulamadan ayaa qayb ka ahaa dedaallada ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso xulufooyinka caalamiga ah.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqayso dhammaan dalalka xubnaha ka ah OACPS si loo xaqiijiyo aragtida fog ee ururka, taas oo ku dhisan nabad, barwaaqo, iyo iskaashi dhab ah oo dhex mara Waddamada ku yaalla saddexda Qaaradood.

