Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo ku saabsan horumar dalka uu ka gaaray dhanka gaadiidka badda.

Warbixinta oo ay soo jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo khubaro ka socotay wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay hannaan casri ah oo lagu diiwaangalinayo doomaha iyo maraakiibta saldhiggoodu uu noqonayo Soomaaliya, kuwaas oo qaadan doonna calanka Soomaaliya si tixraac u yeeshaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa madaxda wasaaradda ku boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen, wuxuuna sheegay in hannaankan cusub uu Soomaaliya ka saarayo diiwaanka madoow ee xagga Gaadiidka Badda, isaga oo kula dardaarmay in howsha lasii dardargaliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...