Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Date:

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay mashruuca sugidda iyo qeybinta Zakaatul Fitriga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sanadkan 1447H – 2026, kaddib maalmo xiriir ah oo ay socdeen howlaha qeybinta.

Mashruucan oo si ballaaran looga fuliyay Gobolka Banaadir, ayaa lagu gaarsiiyay gargaarka kumannaan qoys oo danyar ah iyo barakacayaal ku kala sugan deegaanno iyo xarumo kala duwan. Goobaha la gaarsiiyay waxaa ka mid ah xeryaha barakacayaasha, ceelasha biyaha, iyo deegaannada Lafoole iyo Afgooye, halkaas oo baahi weyn laga dareemayay.

Sidoo kale, gargaarka ayaa si gaar ah loo gaarsiiyay xarumaha lagu xanaaneeyo agoonta ee magaalada Muqdisho, iyo bukaannada ku jira Isbitaalka Martini, si loo hubiyo in dhammaan dadka nugul ay helaan taageerada ay u baahan yihiin ka hor munaasabadda Ciidul Fitriga.

Mashruucan ayaa si weyn uga qeyb qaatay yareynta culayska nololeed ee qoysaska danyarta ah, gaar ahaan xilli ay jirto xaalad adag oo ay sababeen abaaraha soo noqnoqday iyo kororka barakaca, taasoo sii xoojisay baahida loo qabo gurmad degdeg ah.

Hay’adda Al-Mahasin Foundation ayaa sheegtay in mashruuca loo fuliyay si hufan oo nidaamsan, iyadoo lala kaashaday hay’adaha maxalliga ah iyo guddiyada bulshada, si loo xaqiijiyo in gargaarka uu gaaro dadka mudan waqtigii loogu talagalay ee Zakaatul Fitriga.

Ugu dambeyn, mashruucani waxa uu markale muujinayaa doorka muhiimka ah ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ay ka qaadato taageerada dadka Soomaaliyeed, iyo xoojinta isku duubnida iyo is-gargaarka bulshada, gaar ahaan xilliyada adag iyo munaasabadaha diimeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....