Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

Date:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Saciid Maxamuud Axmed (Saciid Sonna).

Marxuumku waxa uu ahaa saxafi iyo masuul sare oo caan ka ahaa warbaahinta Soomaaliya. Waxa uu soo noqday Agaasimihii hore ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), isaga oo door muuqda ka qaatay hoggaaminta, dib-u-habaynta iyo horumarinta wakaaladda. Saciid Sonna waxa uu kale oo uu ka mid ahaa shaqaalihii ugu horreeyay ee lagu aasaasay SONNA, taasoo muujinaysa kaalintiisa taariikhiga ah ee dhismaha warbaahinta qaranka.

Intii uu ku guda jiray mihnaddiisa saxafinimo waxa uu si weyn ugu caan baxay falanqaynta arrimaha amniga qaranka iyo mowqifyo adag oo uu ka qaatay la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Waxa uu si joogto ah uga hadli jiray maslaxadda guud, midnimada iyo xasilloonida dalka, isaga oo raad muuqda ku reebay saxaafadda Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay Alle uga baryaysaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ehelkii uu ka tagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...