Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Date:

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan u bixiyaan Sakadooda, isla markaana ay gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Sheekhu wuxuu tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ka mid ah ay sababeen biyo la’aan iyo cunno yari, taasoo saameysay qoysas badan oo danyar ah. Wuxuu adkeeyay in waajibka Sakadu uu yahay mid Alle faray, islamarkaana ay muhiim tahay in la gaarsiiyo dadka ugu baahida badan, gaar ahaan xilliyada adag.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay ganacsatada iyo bulshada inteeda kale inay muujiyaan isku duubni iyo is-garab istaag, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta. Wuxuu xusay in Sakadu aysan ahayn oo kaliya waajib diin ah, balse ay sidoo kale tahay gargaar bulsho oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan.

Ugu dambeyn, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre ayaa ku baaqay in la dardargeliyo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, si rajo iyo nolol cusub loogu abuuro qoysaska tabaaleysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...