Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Date:

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan doorka warbaahintu ka qaadan karto muujinta guulaha iyo horumarka iskaashiga labada dal oo heer wanaagsan maraya.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la abuuro wadashaqeyn istaraatiijiyadeed oo lagu wajahayo wararka been abuurka ah, isla markaana la iska kaashado horumarinta xirfadaha iyo aqoonta warbaahinta casriga ah.

Wadahadalkan ayaa qeyb ka ah shir caalami ah oo looga hadlayo xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada Turkiga iyo dalalka Afrika, gaar ahaan iskaashiga sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka doodayay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, sayniska iyo isdhexgalka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...