Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah wakiilka boqorka (Governor-General) dalka Australia.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Australia.

Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa:

* Muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.

* Horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga si loo gaaro koboc iyo horumar waara.

* Fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta Visa on Arrival ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.

* Doorka muhiimka ah ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ay ka qaadan karto sidii ay u noqon lahayd buundo isku xirta labada dal.

Safiirku waxa uu muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Tani waa dhacdo taariikhi ah taas oo lagu xoojinayo xiriirka Dowlaha Australia iyo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...