Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Date:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.

Soomaaliya waxay garab istaag u muujineysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, iyadoo u rajeynaysa dhaawacyada bogsasho degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay.

Qaaradda Afrika waa inay midnimo ku wajahdaa argagixisada isla markaana mudnaanta siisaa ilaalinta rayidka.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...