Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadaan awgiis, markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta, haddii ay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah oo ay dib ugu soo laabtaan dadkooda iyo dalkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay cafis siiso dhallinyarada la marin-habaabiyay, isla markaana loo abuuri doono nolol cusub iyo fursado ay dib ugu dhisan karaan mustaqbalkooda, si ay uga mid noqdaan bulshada inteeda kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dhallinyaradaasi, isaga oo yiri:

“Waxaan baaq u dirayaa dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ka tirsan Khawaarijta. Waxaad tihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qalday. Dowladda idinlama rabto inaad ku dhammaataan jid qaldan. Waxaan rabnaa inaad badbaaddaan, nolol dhisataan, nabad ku noolaataan, dadkiinna ka mid noqotaan, kana shaqeysaan wanaagga iyo horumarka dalka iyo dadka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Bisha Ramadaan ay tahay bil naxariis, cafis iyo isu-soo noqosho, isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo qof walba ku sixi karo khaladaadkii hore, si uu ugu laabto jidka toosan iyo nolol sharaf leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...