Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageystaa Radio Muqdisho habeen walba.

Xalay waxaa tartanka ku loollamay degmooyinka Gubadleey iyo Galbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo. Barnaamijkan waxaa si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada Gubadleey ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay heshay 16 dhibcood, halka Degmada Galbahaareey ay heshay 12 dhibcood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...