Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee Ramadaanka sannadka 2026. Ololahan ayaa lagu caawinayaa ku dhowaad 6,000 oo qoys, oo u dhiganta 36,000 oo qof, kuwaas oo isugu jira agoon, dad baahiyaha gaarka ah qaba iyo qoysas tabaaleysan.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qayb galay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Nuaymi; Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle; Agaasimaha Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Aadan Macallin; iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse.
Agaasimaha Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Macallin, ayaa sheegay in gaarista 36,000 oo qof ay tahay mudnaan istiraatiiji ah oo ay hay’addu mudnaanta siisay sannadkan. Wuxuu u mahadceliyey Safaaradda Qatar, Hay’adda SoDMA iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo fududeeyey hirgelinta ololahan, isaga oo sidoo kale u mahadceliyey dadka khayrka jecel ee u dhashay dalka Qatar.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ammaanay tayada iyo baaxadda gargaarka ay Qatar bixiso, isaga oo xusay in mashruuca afurinta ee sannadkan uu yahay jawaab-celin ku aaddan abaarta ka jirta dalka.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse, ayaa ku tilmaamay Qatar Charity “garab joogto ah,” isaga oo sheegay in mashaariicdeeda bini’aadantinimo ay raad muuqda ku leeyihiin nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ololahan ayaa ku soo beegmaya xilli warbixinno caalami ah oo la soo saaray sannadka 2026 ay muujinayaan in ku dhowaad 4.8 milyan oo qof oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan 3 milyan oo carruur ah, ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in 4.4 milyan oo qof ay wajihi doonaan cunno-yari baahsan marka la gaaro bartamaha sannadkan.







