Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Date:

Budapest, Hungary – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Jarmalka iyo Poland, Mudane Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadan), ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ugu gudbiyay Madaxweynaha dalka Hungary, Mudane Tamás Sulyok.

Munaasabadda lagu guddoomayay waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Hungary ee magaalada Budapest, ayaa ahayd mid muujinaysa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Hungary.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Hungary uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo horumarinta.

Dhankiisa, Madaxweyne Tamás Sulyok ayaa Safiirka u rajeeyay guul iyo in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...