Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galeen madax, ganacsato, iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. isaga oo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigalinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada Dekadaha, Beeraha, kalluumeysiga, waxa uunna ku booriyay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda iyo daneeyayaasha kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...