Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya, ayaa booqday xarunta Dugsiga Sare ee Garsoorka ee dalkaas (École Supérieure de la Magistrature).

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca garsoorka iyo is-weydaarsiga khibradaha u dhexeeya labada dal, gaar ahaan tababarka garsoorayaasha, horumarinta manhajyada waxbarasho, iyo dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda.

Wasiirka ayaa warbixin dhammaystiran ka dhageystay mas’uuliyiinta dugsiga, isagoo bogaadiyay doorka ay ka qaataan tayeynta awoodda hay’adaha garsoorka. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada wasaaradood si loo dhiso nidaam caddaaladeed oo ku dhisan mabaadi’da dowladnimada iyo ku dhaqanka sarreynta sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...