Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Date:

Nairobi, Febraayo 12, 2026 — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Nairobi loogu soo gabagabeeyay Shirkii 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee mashruuca SERP (Somalia Enhancing Public Resource Management Project), kaas oo socday muddo saddex maalmood ah.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta maareynta adeegyada dadweynaha (Public Sector Management Reform), horumarinta iyo mideynta nidaamka HRMIS (Human Resource Management Information System) ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, dardargelinta hirgelinta howlaha socda, iyo dejinta qorsheyaal hawleedyo mudnaan gaar ah leh.

Intii uu shirka socday, ka-qaybgalayaasha ayaa is-weydaarsaday warbixino la xiriira heerka uu marayo mashruuca, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu xoojin karo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si loo helo nidaam maamul oo hufan, isla xisaabtan leh, una adeega danaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...