Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Date:

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukun dil toogasho ah oo horey ay ugu riday Cabdi C/qaadir Maxamed oo afgarasho u ahayd Xuseen iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan oo isna loo yaqaanay Xasan, kana mid ahaa kooxda Khawaarijta.

Labada xukunssne ayaa lagu helay inay Muqdisho ku dileen 4 muwaadin, kaddib markii ay Maxkamadda Ciidamada ku caddeysay dambiyada loo haystay ee ahaa daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed si bilaa micno darro ah, islamarkaana ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Fulinta xukunka ayaa saaka ka dhacday fagaaraha toogasho ee Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada & saraakiil ciidan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in xukunkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo la dagaallanka falalka dilalka Khawarijta ee ka dhaca caasimadda iyo meelkasta oo dalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...