Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Date:

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa magaalada Pretoria uga qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Sanad-guurada 65aad ee Maalinta Qaranka Dowladda Kuwait.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiiro kala duwan oo fadhigoodu yahay Koonfur Afrika, wasiirro, iyo madax sare oo ka socday dowlado Koonfur Afrika , kuwaas oo la wadaagay Shacabka iyo Dowladda Kuwait farxadda iyo xuska Maalinta Qarankooda.

Safiir Maxamed Sheekh Isxaaq, oo ka mid ahaa martida sida rasmiga ah loogu casuumay munaasabadda, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Shacabka iyo Dowladda Kuwait, isaga oo u muujiyay garab istaagga buuxa iyo saaxiibtinimada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay la leedahay Dowladda Kuwait, kana mahadceliyay doorka muhiimka ah ee Kuwait ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xoojinta iyo sii ballaarinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Madaxweynaha JFS oo gaaray Magaalada Doha ee Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...