Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdillaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ujeeddada wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Shirka Isku-xirka Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo Dowlad-goboleed, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha, mideynta aragtida istiraatiijiyadeed ee qaranka, iyo is-waafajinta mashaariicda la xiriira tamarta iyo biyaha.

Wafdiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb, waxaana Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Shirkan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta iyo tayeynta adeegyada tamarta iyo biyaha ee dalka, iyadoo la isla meel dhigi doono hannaan wada-shaqeyn oo ku dhisan xog-wadaag, isla-xisaabtan, iyo isku-duwid mashaariic, si loo xaqiijiyo adeegyo waara, la isku hallayn karo, isla markaana si caddaalad ah u gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...