Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo lagu horumarinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada Wasaaradood.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinacyada Awqaafta, arrimaha Xajka iyo Cumrada, tababarrada culimada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo horumarinta adeegyada diimeed ee loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysta barnaamijyada Xajka iyo Cumrada.

Sidoo kale, heshiisku wuxuu fursad u siinayaa labada dal inay wadaagaan waayo-aragnimo ku saabsan maareynta Awqaafta, horumarinta hay’adaha diimeed, iyo ka hortagga fikirrada xagjirnimada, si loo xoojiyo doorka diinta Islaamka ee nabadda, wada-noolaanshaha, iyo horumarka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...