Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika.

Date:

Muqdisho, Jannaayo, 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...