Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Date:

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo ay Khawaariijtu ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo dhawaan laga xoreeyay Khawaariijta nabad-diidka ah, kaddib howlgallo isdaba joog ah.

Howlgalkan oo qeyb ka ah howlgallada amniga ee horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa ciidanku ku ogaadeen goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo walxo qarxa, kuwaas oo Khawaariijtu u adeegsan jireen khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka.

Ciidanka Ururka 161-aad ee Danab ayaa si buuxda u sugay amniga goobta, iyaga oo hubiyay khatar kasta oo ka imaan karta walxaha qarxa ee la helay, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka, si waafaqsan habraacyada amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika.

Muqdisho, Jannaayo, 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...