Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Date:

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo ay Khawaariijtu ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo dhawaan laga xoreeyay Khawaariijta nabad-diidka ah, kaddib howlgallo isdaba joog ah.

Howlgalkan oo qeyb ka ah howlgallada amniga ee horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa ciidanku ku ogaadeen goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo walxo qarxa, kuwaas oo Khawaariijtu u adeegsan jireen khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka.

Ciidanka Ururka 161-aad ee Danab ayaa si buuxda u sugay amniga goobta, iyaga oo hubiyay khatar kasta oo ka imaan karta walxaha qarxa ee la helay, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka, si waafaqsan habraacyada amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...