Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Date:

Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026, Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonnada labada aqal.

Kooramka kulanka oo ku furmay 180 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 31 Senator oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa mudanayaasha labada aqal loo qeybiyey warbixinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Sidoo kale, xildhibaannada waxaa la siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo jeedimahaas, iyo soo jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal in ay si taxaddar leh u akhriyaan soo jeedimaha iyo warbixinta la socota, si looga doodo kulamada soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...