Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani.

Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka xiriirka ganacsi, maalgashi iyo warshadeed ee u dhexeeya labada dal, iyagoo isla gartay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashigaas, lana horumariyo fursadaha wadajirka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...