Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya, uga qaybgalay wadahadal heer caalami ah oo diiradda lagu saarayay ilaalinta iyo joogteynta maalgelinta waxbarashada, iyada oo loo aqoonsanayo waxbarashadu inay tahay dan guud oo caalami ah.

Wadahadalkan ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha laga gaaray horumarinta waxbarashada, gaar ahaan dalalka nugul iyo kuwa ka soo kabanaya colaadaha, kuwaas oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Waxaana si weyn looga dooday sida loo xaqiijin karo maalgelin la saadaalin karo, joogto ah, isla markaana muddo-dheer ah oo taageerta nidaamyada waxbarasho ee dalalkaas.

Kulanka ayaa sidoo kale si gaar ah loogu muujiyey doorka muhiimka ah ee ay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE) ka qaadato taageeridda dalalka dakhligoodu hooseeyo, iyada oo bixisa maalgelin waarta oo kor u qaadda tayada iyo helitaanka waxbarashada.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa la wadaagay ka qaybgalayaasha caqabadaha iyo fursadaha ka jira waxbarashada Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo taageerada caalamiga ah si loo xaqiijiyo mustaqbal waxbarasho oo loo siman yahay dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiirka Waxbarashada ee dalka Kenya oo martigeliyey wadahadalkan muhiimka ah, isagoo bogaadiyey doorka Kenya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga waxbarasho ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...