Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, kuwaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho 27-kii bishan.
Soo-dhaweyn kadib, labada dhinac ayaa yeeshay kulan ballaaran oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira badda, iskaashiga dhaqaale, horumarinta kaabayaasha dekadaha, amniga, tamarta iyo adeegyada istiraatiijiga ah ee badda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo dan u ah labada shacab ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya soo-dhaweynta diirran, isagoo xusay muhiimadda horumarinta iskaashi qotodheer iyo dardar-gelinta heshiisyada horseedaya koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...