Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Date:

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo hiigsiga fog iyo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, waxaana ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo qaybgalay dhammaan Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa:

1′ Xaqiijinta adeeg hufan oo tayo leh oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

2′ Xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya hoggaanka sare iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxa uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax, kaas oo si faahfaahsan u soo bandhigay:

1′ Habsami u socodka hawlaha maalinlaha ah ee Wasaaradda.

2′ Qorshaha casriyeynta iyo dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda.

3′ Istaraatiijiyadda fog ee horumarinta gaadiidka iyo duulista hawada dalka.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa ku bogaadiyey Agaasimaha Guud iyo dhammaan madaxda waaxyada dadaalka iyo shaqada adag ee ay u hayaan qaranka. Waxa uu Agaasime-waaxeedyada faray:

1′ In kor loo qaado tayada adeegga iyo dardargelinta hawlaha mudnaanta leh.

2′ In la dejiyo qorshe-hawleedyo iyo yoolal istaraatiijiyadeed oo la xiriira sannadka cusub ee 2026.

3′ In la xoojiyo isku-xirka iyo wada-shaqeynta waaxyada si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-tashi, iyadoo madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu ay ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta shaqada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...