Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Date:

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ee ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwaas oo maalmahan waday howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

Isdhiibidda horjoogahan ayaa ka dhacday aagga deegaannada Labadulle iyo Ceelahelay, halkaas oo ay ciidamada Daraawiishtu ka wadeen howlgallo amni oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

Horjooge Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadda ee gobolka Galgaduud, isla markaana uu ka yimid dhanka Ceelgaras, isagoo watay qori iyo boosh.

Sidoo kale, horjoogahan ayaa saraakiisha Ciidamada uu isku soo dhiibay u sheegay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay haatan ku sugan yihiin xaalad kala firxad iyo jahawareer ah, kadib markii ay ku jabeen howlgallada ballaaran ee ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka wadaan deegaanno badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo ay barbar socdaan duqeymo culus oo cirka iyo dhulka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...