Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan (NDMA), halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Inam Haider Malik oo ay wehliyaan hoggaanka sare ee NDMA.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Guddoomiyaha NDMA ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee hay’adda iyo nidaamyada casriga ah ee maareynta masiibooyinka ee dalka Bakistaan.

U jeedka booqashadan ayaa ah is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyada oo la tixgelinayo waayo-aragnimada NDMA Pakistan iyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan dhismaha nidaam qaran oo lagu maareyn karo masiibooyinka dalka.

Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA Maxamuud iyo Maalik ayaa si buuxda isugu afgartay xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqayn, is-dhaafsi aqoon iyo dhisidda nidaamyo maareyn oo adkaysi iyo waxtar rasmi ah leh bolshooyonka labada waddan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...