Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowladda Jubbaland ayaa si buuxda u soo afjaray maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo weerar ku soo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo ay ku jireen horjoogayaal, kuwaas oo lagu dilay dagaalka. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay Khawaarijtu isticmaalayeen, kuwaas oo laga furtay cadowga intii uu socday howlgalka.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku billowday waaberigii shalay, isla markaana saakay si rasmi ah loo soo afjaray kaddib markii la hareereeyay maleeshiyaadka, lana gaarsiiyay jab culus.
