Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka (Programme Steering Committee -PSC) ah, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase II).

Shirka oo uu Wasiirku si wadajir ah ula guddoominayay bah wadaagta caalamiga ah, ayaa ujeedkiisu ahaa dib-u-eegis iyo ansixin Qorshaha Shaqo iyo miisaaniyadda Sanadka 2026-ka si loo dardargeliyo loona xoojiyo hirgelinta barnaamijka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Amniga Dowlad Goboleedyada, Kaaliyaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan Booliska, iyo wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, iyo sidoo kale Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Intii uu socday shirka, waxaa si faahfaahsan looga dooday heerka hirgelinta JPP II, isku-duwidda howlaha heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, casharrada laga bartay wajiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo gaarsiinta adeegyada amni ee bulshada.

Shirka ayaa si rasmi ah u loogu ansixiyay Qorshe Sanadeedka JPP II ee 2026-ka iyo miisaaniyaddiisa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood dheeri ah oo ay ugu adeegaan shacabka, una xoojiyaan xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta taageeradooda joogtada ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Barnaamijka JPP II uu door muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Boolis tayo leh, hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula shaqeeya bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...