Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Date:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...