Guddoomiyaha Hayโadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hayโadda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hayโadda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka.
Guddoomiyaha Hayโadda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hayโaddu u hayso dadka nugul, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha.
Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka goโan tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hayโadda NCRI.
Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda dadka ay saameeyeen barakaca.
Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta hayโadda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah bulshada ka faaโiideysta adeegyada maalinlaha ah ee xarunta dhexe.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa uga mahadceliyay wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in hayโaddu ka goโan tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar u leh qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.

