Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Date:

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo amniga Caasimadda, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya rag falal dhac ah u geysanaya shacabka.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanku ay soo xireen eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo uu ka geystay dhowr degmo oo ka mid ah Muqdisho.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

“Gudaha Caasimadda lama oggola in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ku xadgudba awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo ciidamada amniga ee kala duwan ay juhdi badan gelinayaan sugidda amniga Caasimadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...