π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽππŽπ‹πŠπ€ ππ€ππ€π€πƒπˆπ‘ 𝐎𝐎 π—π€π‘πˆπ†π†π€ πŠπ€ π‰π€π‘π€π˜ πƒπ”π†π’πˆπ†π€ 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 πƒπ€π‘πŒπŽπŽπ‹π„π˜

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha Darmooley, oo ku yaalla Degmada Heliwaa.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha waxbarasho ee gabdhaha ku nool caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumar waara, nabad iyo mustaqbal ifaya.

Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay furitaanka dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona mustaqbalka carruurta, gaar ahaan gabdhaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta mashaariic horumarineed oo la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada bulshada, si loo dardar-geliyo horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab β€œSi loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...