Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Date:

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loo beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka 8 kale gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo dhacay xilli habeen ah ayaa muujinaya kororka awoodda hawlgaleed ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka, taas oo suuragelisay in la ballaariyo hawlgallada laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...

Golaha Shacab BJFS oo ansixiyey hindise sharciyeedka daawada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...