Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonai u fidiyaan Maamulka Soomaaliland. Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran logu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Xukuumadda XFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada dalka, iyada oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed, kuwo sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka Soomaaliya.
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2026-a si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna muddada bisha ee lagu guda jiro noqon doonta dalka shir-guddoominaya Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in ay hagaan kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka. Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkaan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah, iyadoo Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM uu si wareeg ah ugu dhacdaa waddamada xubnaha ka ah bil kasta, waxayna Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa mar uu Salaadii Jimcaha ee shalay ka hadlayey Masjid Cali Bin Abii Dhaalib ee magaalada Stanbul ayaa Natanyahu ku tilmaamey Fircoonka Xiligaan sidaa darteed maalin waa loo Ciqaabi doonaa Caruurtii, Haweenkii iyo dadkii uu ku Xasuuqey Gaza.
“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbuul ee dala Turkiye oo ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen dhiggiisa mudane Rajab Dayib Erdogan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.
“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah. Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka, waxaana shalay lagu shaaciyay magaalada Istanbuul in uu soo dhaqaaqi doono Markabkii qodo lahaa Gunta hoose ee Badda, si uu u soo saaro Shidaalka iyo Gaaska ceegaaga Badaha Soomaaliya, waxaana sidaasi shaaciya Wasiirka Tamarta ee Turkiye.
Turkiga ayaa sidoo kale soo gaba gabeeyay suurta galnimada iyo naqshadeynta Deked ay ka hirgelin doonto Soomaaliya, waxaana la bilaabay Wejigii koowaad ee dhismaha.
“Maalgashigii hore ee Turkiga ayaa u furay suuqa Soomaaliya si toos ah maalgashi shisheeye, gaar ahaan Shidaalka iyo Gaaska, iyadoo Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay noqoto waddan laga soo saaro Saliidda”, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Warbaahinta qaranka Turkiga.
Dr. Xsan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii haysato taageerada beesha caalamka, inkastoo Israa’iil ay aqoonsan tahay Somaliland, balse Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah marka loo eego falkii ay Israa’iil dhawaan ka fulisay Bariga Dhexe, oo aan ahayn Falastiin oo keliya, balse sidoo kale Suuriya iyo Lubnaan, taasoo kor u qaaday welwelka ku aaddan ku lug lahaanshaha ay ku leedahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo uu ugu yeeray “gobol aad u kacsan,” iyadoo Soomaaliya ay horay ula dagaallameen Daacish (Daacish) iyo Al-Shabaab.
Waxaase is weydiin mudan waa maxay sababta mar walba oo ay Soomaaliya tallaabo horumar ah qaado ay u soo if baxa carqado badan ama loo qulbaa, kaasi oo ka yimaada dalal shisheeye?, sida kii Is Afgarad beenaadkii ay maamulka Soomaaliland la gashay Itoobiya 1-dii bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii, haatanna waxaa soo dig tiri Sahyuuniyadda Yahuuda, taasi oo ictiraaf beenaad damacsan inay siiso qeyb ka mid ah Gobolada Waqooyi Galbeed ee ka tirsan dhulka Soomaaliyeed oo ay dhammaan caalamku ka hor yimid arrintaasi.
Su’aashaasi jawaabteeda waa iska caddahay, oo Dadka arrimahaan odorasa ayaa waxay ku soo koobeen sidan, “waxay diidan yihiin inay Soomaaliya noqono dowlad awood badan ee ka dhisan dhinacayada siyaasadda, Millitari iyo dhaqaale, kadibna si weyn uga dhex muuqata fagaarayaasha caalamka, islamarkaana Tubta horumarka qaadda.
