Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Date:

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Khudbad ay Kuwait ka jeedisay shirka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa lagu caddeeyay in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda.

Dowladda Kuwait waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadiโ€™da ku saleysan madaxbannaanida dalalka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale