Waxa guud ahaan ba degmooyinka gobolka Banaadir ka socda mudaharaado waaweyn oo shacabka soomaaliyeed kaga soo horjeedaan xadgudubka Israaโiil kula kacday midnimada dhuledd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shacabka ayaa saaka u soo baxay in ay dunida tusaan sidan doonista beenta ah ee Israaโiil u tahay mid aan marnaba dhacayn shacabka Soomaaliyeed na diyaar u yihiin in ay difaacdaan dalkooda iyo dadkooda.
Qaar ka mid ah shacabka isu soo baxay saaka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa ka mid ahaa Caasho Caddow Jimcaale oo tiri โInta ay naftu nagu jirto cidna kama aqbaleyno inay kala dhantaasho midnimada dalkeenna.โ
Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed xasan ayaa isna yiri โSaakay dhammaan ardayda Soomaaliyeed waxey diyaar u yihiin inay ka jawaabaan Xadgudubka YHda.โ
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa tiri โDowladda Soomaaliya guulo Diblomaasiyadeed ayey ka gaartay YH-da Isra11l waana Farxad.โ
Guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir ayuu hadda si toos ah uga socdaa mudaharaadka shacabka Soomaaliyeed ku muujinayaan gobanimadooda kuna difaacayaan midnimada dalka.

