Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay goโ€™aanka ay Israaโ€™iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay goโ€™aanka ay Israaโ€™iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland.

Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira aqoonsiga iyo masiirka dalka ay yihiin kuwo goโ€™aan kooda kama dambaysta ahi yaallo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in goโ€™aankan uu dhaawacayo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale