dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israaโ€™iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Date:

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israaโ€™iil u sameeyay waxa ay ugu yeertay โ€œDhulka Soomaaliland,โ€ iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ayaa sheegtay in, maadaama Ciraaq ay hadda hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, ay arrintani wiiqeyso amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.

Ciraaq waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo midnimadooda, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hayโ€™adaha caalamiga ah inay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale