Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa si weyn u soo dhaweeyay qabashada doorashooyinka tooska ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay ee noocan ah tan iyo sannadkii 1969-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowliga ah, xoojinta dimuqraadiyadda iyo muwaadinnimada, iyo ballaarinta ka-qaybgalka dadweynaha.

Al-Yamaaxi wuxuu hoosta ka xarriiqay in doorashooyinkani ay yeelan doonaan saameyn togan gudaha dalka, gaar ahaan dhinaca taageeridda dadaallada Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan xoogagga siyaasadeed ay midnimo muujiyaan, mudnaanta siiyaan danaha qaranka, isla markaana doortaan wadahadal iyo is-afgarad.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay taageerada buuxda ee golahaasi uu u hayo dadaallada lagu gaari karo amni, xasillooni iyo horumar waara oo ay ku tallaabsato Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,...

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...